HARGAYSA(W,N)-Xaafada state house Ee magaalada Hargaysa Oo kamid ah xaafadaha ay degan yihiin dadkii kazoo guryo noqday xeryihii qaxoontiga ee dalka itoobiya islmarkaana ay degan yihiin kumanaan qoys oo danyar ah ayaan gabi ahaanba lahayn wax wado ah oo gaadiidku ka gali karaan xaafadan taasi oo halis ugu jirta dab ka kaca taasi oo aan lahayn meel looga gurman karo.
Qaarkamid ah Dadwaynaha ku dhaqan xaafada state house ayaa qaylo dhaan udiray maamulka dawlada hoose ee caasimada hargaysa iyo xukuumada iyagoo ka dalbaday in deg deg wax looga qabto xaafadan oo hadii dab ka kaco halis ugu jira dad iyo duunyabo in ay shufbeelaan.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;