WAJAALE NEWS

“Waxaan Ka Xumahay Xadhiga Loo Geystay Inta Badan Weriyeyaashii Dalka”Gudoomiye Cabdirasaaq Ataash.

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka waabari cabdirasaaq ataash ayaa wax laga xukuumadu ku tilmaamay xadhiga xukuumadu kula kacday wariyayaal tiro badan oo maalintii sedexaad ku xdhan xabsiyada hargasya .

Sidoo kale gudoomiye cabdirasaaq ataash ayaa xukuumadu ugu baaqay in ay deg deg ah xoriyadooda ugu soo celiso suxufiyiinta xidhan

Qoraal uu gudoomiye cabdirasaaq ataash kaga hadlay xadhiga suxufiyiinta ayaa sidan udhignaa;

“Waxaan ka xumahay xadhiga loo geystay inta badan weriyeyashii Dalka, Sumcad iyo magac wanaagsan Uma aha Guud ahaan dalka.

Uma arko sida wax u dhaceen in ay le, egtahay sida wariyaasha loola dhaqmay,

Waxaan maqlaynaa in qaar kamid ah wariyaasha ay soo gaadhay dhibaato ama dhaawacyo, haday jirto waa ceeb iyo Dembi kale oo dheeraad ah oo ay tahay in labaadho, Waxaan codsanayaa in dhamaan xoriyadooda loo celiyo weriyaasha.

Sidoo kale waxaaynu ognahay in mudo aad u fara adan uu xeerka saxaafadu ku xanibanyahay golaha Wakiillada, waxaan ku dhiiri gelinayaa Xildhibaanada inay xeerkaas kusoo daraan kalfadhiyadooda ugu soo horeeya si loo dhaqan geliyo.”

Gudoomiye Cabdirasaaq Ataash.

 

 

Exit mobile version