MUQDISHO(W,N)-Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliya ayaa iska fogeeyay eedo loo soo jeediyay oo lagu sheegay in ay caqabad ku yihiin habsami usocodka fadhiga golaha shacabka oo lagu wado in maalinta bari ah lagu doorto shir gudoonka golaha shacabka.
Sidoo kale Taliye xijaar ayaa sheegay inaysan qaadi karin masuuliyada amaan ee doorashada berri lagu dooranayo gudoonka golaha shacabka, wuxuuna soo jeediyay xaalad amaan awgeed in doorashada dib loo dhigo.
“Ilaa hada mahayno liiska magacyada dadka ka qeybgalaya doorashada berri, sidaas darteed anaga ka booliis ahaan waxay na tusinaysaa inaan damaanad qaadi karin doorashada berri halkaas lagu qabanayo ,taladeena waxay tahay in dib loodhigo doorashada sababo amniga dartiis ah” ayuu yiri taliye Xijaar.
Sidoo kale raysalwasaaraha somaliya ayaa amray in abniga xarunta afisooni ee lagu qabanayo doorashada shir gudoonka golaha shacabka ay la wareegeen ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee Atmis oo ku sugan magaalada muqdisho.
Dhanka kale Madaxwaynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee somaliya maxamed cabdilaahi farmaajo ayaa ka horyimid go,aanka kazoo baxay raysalwasaare maxamed xuseen rooble oo isagu uxil saaran hogaaminta doorashooyinka dalka iyo dhamaystirkooda balse go,aamka kazoo baxay madaxwayne farmaajo oo uu ku xidhay shuruudo la xidhiidha ka qaybgalka xildhibaanadii lagu soo doortay gobolka gedo in aanay ka qaybgalin shirkan ilaa sida uu sheegay in ay heshiish laga gaadhay doorashadooda oo uu hore ugu gacansaydhay.
Khilaafka masuuliyiinta ugu sareeya maamulka somaliya eek u waajahan doorashada shir gudoonka golaha wakiilada ayaa laga cabsi qabaa in ay sobobto khal khal abni iyo uu hakad ku yimaado qabsoomida fadhiga xildhibaanada golaha shacabka ee somaliya.
Maanta ayay ahayd markii lasoo gabo gabeeyay doorashada shir gudoonka aqal hoose ee somaliya kaasi oo gudoomiyaha golaha loogu doortay cabdi xaashi ooh ore uga ahaa gudoomiye golihii hore ee wakhtigiisu dhamaaday wallow uu loolan adagi ka dhacay ismarkaana aanu ka maqnayn hirdanka masuuliyiinta ugu sareeya madaxda somaliya ee raysalwasaare rooble iyo madaxwayne farmaajo taasi oo umuuqatay in lagaga adkaaday farmaajo iyo kooxdiisa hanashada shir gudoonka aqal odoyaasha ee somaliya .