WAJAALE NEWS

Maxkamad ku taala Magaalada London Oo Xabsi Daa’in Ku Xukuntay Nin Asalkiisu Yahay Soomaali Oo Dilay Xildhibaan Ingiriis Ah.

LONDON(W,N)-Maxkamad kutaala Ingiriiska ayaa xabsi daa’in ku xukuntay Cali Xarbi Cali oo asalkiisu yahay Soomaali, kaas oo lagu helay inuu dilay xildhibaan katirsanaa barlamaanka Ingiriiska oo lagu magacaabo Sir David Amess.

Ninkaan oo la sheegay inuu katirsanaa kooxda Daacish ayaa bishii October ee sannadkii hore Toreey ku dilay  xildhibaanka laga soo doortay degmada Essex.

Wareysi laga qaaday oo lagasii dayay BBC ayuu Cali Xarbi ku sheegay inuu isagu dilay xildhibaanka uuna yahay fal argigxiso oo uu soo maleegay.

Cali Xarbi Cali oo 26 sano jir ah ayaa Isniintii lagu helay dambiga ah in uu geystay falka dilka ah iyo in uu qorsheynayay weeraro argagixiso oo lala beegsanayo xildhibaano kale ka hor inta uusan dilin Amess.

“Isaga iyo xildhibaanno kale ayaa u codeeyay xeer baarlamaan oo lagu dhibaateeyay Suuriya. Haddii aan ka hijroon waayay dhulkan, waxaan go’aansaday in aan si kale ugu gargaaro Muslimiinta,” ayuu ka hor sheegay xeer beegti kiiskiisa dhagaysanayso.

Xildhibaan Sir David Amess ayaa kamid ahaa xildhibaanno katirsan barlamaanka UK, kuwaas oo u caddeeyay in la duqeeyo Suuriya.

 

 

Exit mobile version