WAJAALE NEWS

Masuuliyiiinta Iyo Shaqaalaha Haayada Qaxoontiga & Barakacayaasha Jsl Oo Ku dhawaaqay Gurmadkii Ugu Horeeyay Ee Lagu Taageerayo Dadka Hantidoodu ku Gubatay Suuqa Waaheen.

HARGAYSA(W,N)-Masuuliyiinta haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka oo ay weheliyaan shaqaalaha waynaha haayadu ayaa kulan deg deg ah oo ay yeesheen kadib shaaciyay in ay mushaharkooda qayb kamid ah ugu deeqeen dadka hantidoodii ku gubatay suuqa waaheen ee magaalada hargaysa. Kaasi oo ah lacag dhan 22500000milyan oo shilingka somaliland ah una dhiganta 26000kun oo dollar.

Gudoomiyaha haayada qaxoontiga iyo barakacayaasha qaranka cabdikariim axmed xinif ayaa faah faahin ka bixiyay dhaqaalaha ka haayad ahaan ay ugu deeqeen isagoo masuuliyiinta haayada dawlada ee kale usoo jediyay ijn ay ka qayb qaataan gurmad dhaqaale ee kumanaanka qof ee hantidoodu ku gubatay suuqa waaheen lagu caawinayo.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version