WAJAALE NEWS

Madaxwayne Biixi Oo Magacabaay Wasiirka Gaadiidka Iyo Jidadka Oo Uu Dhawaan Baneeyay Cabdirasaaq Ataash.

WAREEGTO MADAXWEYNE

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-854/042022 uu ku magacaabay Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:             Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay:              Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay:        In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey:         La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed Faarax laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Exit mobile version