WAJAALE NEWS

Ceelka Biyaha Waraabiya Magaalada Wajaale Ee Deegaanka Botor Oo Caawa Dib Loo Hagaajiyay Maalmo Uu Xumaa Kadib.

TOG WAJAALE(W,N)-Maamulka degmada wajaale oo uu Weheliyo maareeyaha wakaalada biyaha ee magaalada wajaale ayaa caawa ku guulaystay in dib loo hagaajiyo ceelka magaalada wajaale biyo ka cabto oo maalmahan xumaa kadib markii ay xumaatay daynabada biyaha kasoo tuurtaa.

Gudoomiyaha degmada wajaale cabdiraxmaan ayaa isagu  gacan wayn ka gaystay hagaajinta ceelbiyoodka botor isagoo bixiyay lacagta lasoo siiyay daynamada ceelka oo caawa lagu xidhay.

Bulshada ku dhaqan magaalada wajaale ayaa maalmahani waxaa soo foodsaartay biyo la,aan xoogan kadib markii uu xumaaday ceelkii ay magaalada ka cabaysay taasi oo keentay in foostada biyaha ay qiimaheedu uu gaadhay 60000kun oo shiling.

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE.

Exit mobile version