WAJAALE NEWS

Wasiir Wasaarada Isgaadhsiinta Jsl Oo Ka Hadlay Pagekii Wasaarada Oo Hawada Laga Saaray Iyo Budhcad Weerar Kusoo Qaaday!

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka wasaarada isgaadhsiinta iyo technolajiyada somaliland Dr Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi suufi ayaa ka hadlay pagekii wasaarada oo hawada laga saaray iyo budhcad internetka oo weerar ku haysay baraha dawlada.

Sidoo kale wasiir cabdiwali ayaa sheegay in ay wargaliyeen shirkadaha leh facebookga

Dhanka kale wasiirka wasaarada isgaadhsiinta jsl ayaa bulshada ku wargaliyay in ay sidaa ula socdaa pageka wasaarada iyo wixii la soo galiyoba.

Waxaanu sidaasi ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebookga wuxuna udhignaa sidan;

“Laga soo bilaabo markii ay bogagga rasmiga ah ee dawladdu bilaabeen baahintii tooska ahayd ee safarkii Madaxweynaha JSL, waxa bogga Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda lagu bilaabay weeraro isdaba joog ah oo looga dan leeyahay in lagu jabsado boggoga rasmiga ah ee Wasaaraddu ku leedahay baraha bulshadu ku wada xidhiidho.

Haddaba, si wax looga qabto weerarada noocan ah oo adduunka il-bidhiqsi kasta ka dhaca waxa wasaaraddu degdeg u wargalisay shirkadaha addeega Baraha Bulshada bixiya ee Facebook iyo Twitter, waxaana la waddaa dedaalo lagaga hortagayo weerarada ku socda bogagga Wasaaradda.

Ugu danbayntii, waxa aan ku wargalinaynaa bulshada ku xidhan bogagga ay wasaaraddu ku leedahay Baraha Bulshada in ay sidaa ula socdaan kana raali ahaadaan wixii ay dhibsadaan ee ay keento xaaladdani.” Ayuu Yidhi.

 

Exit mobile version