WAJAALE NEWS

Somaaliya Iyo Jabuuti Oo Ku Biiray Dalalka Canbaareeyay Duulaanka Ruushku Ku Qaaday Dalka Ukriane,

JABUUTI(W,N)-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa ka mid Noqday 141-ka wadan oo caalamka katirsan, kuwaas oo Ucodeeyay qaraar lagu cambaareynayo duulaanka Ruushka ku qaaday dalka Ukraine.

Codeynta ayaa dhacday xilli uu socday kalfadhi gaar ah oo ay yeesheen golaha guud ee QM.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa dalbaday in si degdeg ah dhammaan ciidamada Ruushka looga saaro dhulka Ukraine.

Afar waddan ayaa Ruushka ku biiray codeynta ka dhanka ah qaraarka, waxayna kala yihiin – Belarus, North Korea, Eritrea iyo Syria, halka 35 waddan oo kalena ay ka aamuseen  cambaaraynta qaraarka.

Imaaraadka Carabta iyo Israa’iil oo ah labada saaxiib ee Mareykanka oo horey loogu dhaliilay inay diideen inay ka hadlaan duulaanka Ruushka, ayaa sidoo kale doortay inay u codeeyaan qaraarka.

Exit mobile version