“Hooyaday Shan Bilood Ayay Xidhan Tahay, Oo Ay C,I,D Uxidhan Tahay, Oo Dadkii Loo Diiday, Hadii Sharcigu Shaqayn Waayo Qoriga Ayaa Shaqayn”Wajaale.
TOG WAJAAE(W,N)- Ehelada Qoys lagu haysto guri ay lahaayeen mudo dheer oo ku yaala magaalada wajaale ayaa sheegay in lagula kacay arin sharciga iyo dawladnimada ku gaf iyadoo hooyada Qoyskan si qafaalasho ah loogu xidhay magaalada gabiley islamarkaana xukun lagu riday iyadoo lagu qasbayo in ay sexeexdo gurigan oo ay ku haystaan dad kale.
Ehelada qoyskan lagu haysto gurigooga ayaa madaxwaynaha Somaliland iyo laamaha kale ee dawlada ka codsaday in ay helaan cadaalad.
Sidoo kale ehelada qoyskan ayaa ku hanjabay hadii sharcigu shaqayn waayo wixii ka dhaca ay masuuliyadeeda leedahay xukuumadu.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;