HARGAYSA(W,N)-Maareeyaha wakaalada biyaha Hargaysa Maxamed cali Daarood ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan Barkhad Batuun kaasi oo uu ku duray wakaalada biyaha.
Sidoo kale maareeyaha wakaalada ayaa eedo culus ujeediyay xildhibaan barkhad oo uu sheegay in uu ku kacay falal ay suurto gal tahay in uu ku waayo maamuuska xildhibaanimo Iskana difaaci Karin, islamarkaana aanay wali xisbigii uu ka tirsanaa iyo golaha wakiiladuba wax mawqif ah ka qaadan.
“Barkhad Batuun, Eedaha dul hoganaya Iskama leexin, xisbigiisuna iskama leexin, Golaha uu ka tirsanyahay mawqif-kamay qaadan. Eedahaasi haddii ay ka dhici lahaayeen mujtamac aan muslim ahayn dhexdiisa xilna uma hayeen, maamuusna uma hayeen, bulshadeenu waa bulsho muslim ah, Soomaalina ah.”
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;