WAJAALE NEWS

Somaliland Oo Shir Caalamiya Kaga Qaybgashay Dalka Nigeria Iyo Arimaha Lagaga Hadlay!

HARGAYSA(W,N)-Somaliland ayaa magaalada Lagos ee waddanka Nigeria kaga qayb galaysa shir caalami ah (SAIPEC- Sub Saharan Africa International Petroleum Exhibition Conferenc, 6th Edition 2022) oo dhinaca shidaalka ah kaas oo lagaga hadlayo sidii ay dalalka Afrika u dardar gelin lahaayeen ka faa’iidaysiga khayraadka saliidda/shidaalka.

Shirkan oo ayay isugu yimaadeen inta badan ee dalalka Africa, shirkadaha waawayn ee shidaalka Africa ka shaqeeya iyo ka soo qayb-galayaan daafaha dunida ka kala yimid. WTM oo matalaysa qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si rasmi ah shirka loogu casuumay isla markaana lagu maamuusay in ay warbixin (Presentation) dhammays tiran oo shidaalka ku saabsan ka hor jeediso shirka.

Exit mobile version