HARGAYSA(W,N)-Musharraxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Cali Aw-Cabdi ayaa shaahado guddoonsiiyay Masuuliyiinta Xisbiga ee dalalka Ingiriiska iyo Holand.
Laanta Xisbiga ee dalka Ingiriiska ayaa kaalinta 1-aad ka gashay qaadhaan bixinta Xisbiga ee laamaha dibadda sanadka 2021, halka kaalinta labaad ay gashay laanta Holand.
Musharraxa Madaxweyne Ku Xigeenka Xisbiga WADDANI Mudane Maxamed Cali Aw-Cabdi iyo Xoghayaha Guud Mudane Khadar Xuseen Cabdi ayaa masuuliyiinta laamahan uga mahadceliyay kaalinta ay kaga jiraan hawlaha xisbiga islamarkaana ku boorriyay dhammaan laamaha dibadda in ay kor u qaadan dadaalkooda dardar gelinta shaqada Xisbiga