Ankara(W,N)-Laba Wiil oo dhallinyaro Soomaali ah ayaa kamid noqday Muhaajiriin badan oo qabow dartiis ugu dhintay dalka Turkiga, gaar ahaan meel u dhow xudduudka dalkaasi uu la wadaago dalka Giriiga.
Dhallinyarada Soomaalida ah ee xuduudka ku dhintay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Abuubakar iyo Yaxye, waxaana geeriyooda xaqiijiyay Booliska dalka Turkiga iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas.
Ugu yaraan 12 qof oo muhaajiriin ah ayaa maalmo kahor qabow ugu dhintay dalka Turkiga, gaar ahaan meel u dhow xudduudka dalkaasi uu la wadaago dalka Giriiga, waxaana labadani waddan uu midba midka kale ku eedeeynayaa mas’uuliyadda masiibadaasi.
Turkiga ayaa ku eedeeyay saraakiisha xudduudaha dalka Giriiga in ay tahriibayaashaasi dib ugu soo celiyeen xudduuda, taasi oo sababtay in ay qabow u dhintaan.
Giriiga ayaa isna dhankiisa ku gacan seydhay eedeymahaasi. Labadani waddan ee ku yaalla badda Mediterranean-ka ayaa marar badan isku maan-dhaafay xaaladda muhaajiriinta ka soo tallaabaya xudduudaha dhanka dhulka iyo badda ee ay wadaagaan.
Wasiirka arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa ku eedeeyay ciidammada ilaalada xadka ee dalka Giriiga in ay dadkaasi muhaajiriinta ahi ka furteen dharkii iyo kabihii ay xidhnaayeen, ka hor inta ayna dib ugu celinin xudduudda Turkiga la wadaago dalkaasi xilli qabow ba’an uu jiray