WAJAALE NEWS

DAAWO;-Dadwayne Ka Gadoodsan Xadhiga Siyaasi Maxamed Cabdilaahi Bookh Oo Iskugu Soo baxay Magaalada Gabiley Iyo Fariinta Ay Udireen Xukuumada.

GABILEY(W,N)-Qaarkamid ah dadwaynaha ku dhaqan Magaalada gabiley islamarkaana kazoo horjeeda xadhiga siyaasi/ganacsade maxamed cabdilaahi jaamac bookh oo maalintii labaad xidhan Saldhiga magaalada gabiley ayaa galabta iskugu soo baxay magaalada gabiley kuwaasi oo dalbanayay in uu xoriyadiisa helo.

Dadwaynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in siyaasi maxamed cabdilaahi bookh lagu xidhay sifo sharci daro isagoo Jooga meheradiisa ganacsi islamarkaana lagu xadgudbad Xuquuqdiisa.

Sidoo kale dadwaynaha kazoo horjeeday xadhiga siyaasi maxamed Bookh oo katirsan xisbiga wadani ayaa maamulka gobolka gabiley iyo xukuumada madaxwayne biixi ugu baaqay in deg deg loosoo daayo hadii kale wixii ka dhaca ay iyadu masuul ka tahay.

 

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

Exit mobile version