TOG WAJAALE(W.N)-Wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland sheikh cabdirasaaq albaani oo ay weheliyaan maamulka gobolka gabiley ayaa gaadhay magaalada wajaale oo uu ka taagnaa khilaaf udhexeeyay qaybo kamid ah culimada magaalada wajaale oo la xidhiidhay dhismaha masjid jaamacada magaalada wajaale.
Wasiirka diinta iyo awqaafta oo kulamo la qaatay culimada magaalada wajaale iyo maamulka degmada ayaa soo afjaray khilaafkan udhexeeyay khilaafka culimada oo salka ku hayay dhismaha masjid jaamaca magaalada wajaale.
Waxnaa kulanka lagu soo afjaray khilaafka culimada ka hadlay qaarkamid ah culimada magaalada iyo culimo kale oo wasiirka weheliyay kuwaasi oo dhamaan ku dardaarmay in lasoo afjaro khilaafkan.
Dhanka kale waxaa goobtaasi a hadlay gudoomiyaha degmada wajaale badhasaab kuxigeenka gobolka gabiley iyo wasiirka diinta iyo awqaafta Somaliland.
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;