WAJAALE NEWS

Wafti Ka Socda Beesha Caalamka Oo Kulan La Qaatay Shir Gudoonka Golaha Wakiilada Jsl.

Hargeysa(W,N)-Wefti ka socdey wakiilada midowga Yurub iyo UK ayaa booqasho kooban ku yimi Golaha Wakiilada, waxayna la kulmeen Shirgudoonka Golaha iyo Xubnaha Guddida Arrimaha Dibada iyo Maamulka.

Kulankan oo si qiime leh u dhacay, waxaa gudoominayey Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdirisaaq Khaliif Ahmed. Ugu horeyn waxaa kulanka furay Gudoomiyaha waxaanu si diiran ugu soo dhaweeyey wakiilada midowyga Yurub iyo UK, isagoo Gudoomiyuhu  xusey in taageeradooda ay ku mahadsanyihiin guud ahaan ay Somaliland siiyaan iyo Golaha Wakiladaba.

Intaa ka dib, Xasan Xiis oo la- taliyaha Arrimaha Dibada ayaa presentation Kooban la wadaagey xubnaha ka socdey midowga Yurub iyo UK,  presentation oo ahaa soo koobid guud ahaan baahiyaha Golaha Iyo Meelaha uu Strategy-ga qabyada ah ee Goluhu diirada saarayo in la hagaajiyo.

Intaa ka dib, xubnaha ka socdey midowga Yurub iyo UK, ayaa su’aalo waydiiyey Shirgudoonka ku saabsan meelaha mudan in ay wax ka qabanayaan mustaqbalka dhaw.

Waxaa sidoo kale ay ka wada hadleen doorka Golaha Wakiilada ee ku saabsan dhamaystirka xeerarka muhiimka u ah nabada, dimuquraadiyada, Doorashooyinka iyo arrimaha bulshada.

Kulanka wuxuu ku soo dhamaadey, jawi degan oo is-afgarad. Waana markii ugu horey ee ay wafti intan miisaankiisu leegayahay Golaha Wakilada yimaadaan, tan iyo markii Golaha Wakiilada ee cusubi ay Xafiiska yimaadeen.

Xubnaha kulanka Joogeey.

Dhinaca Golaha Wakiilda:

1.Mudane,  Abdirisak  Khaliif Ahmed (Gudoomiye GW)

  1. Mudane, Siciid Mire Faarax (Gudoomiye kuxigeenka 1aad )

3.Mudane, Ali Xaamud Jibril (Gudoomiye kuxigeenka  2aad)

4.Md Maxamed Jaamac Koodbuur Gudoomiyaha Gudida arimaha debeda

5.Md Maxamed  xuseen Jamac raamboo Gudoomiye kuxigeenka Gudida arimaha debeda

6.Mudane, Mohamed Hassan Siciid ( Xubin Guddida Arrimaha Dibada, isla

7.Mudane, Hussein Ismail Budul Xubin Gudida arimaha debeda ka mid ah

8.Md Cabdirisaaq Siciid Ayaanle Xoghayaha guud ee Golaha

9.Md. XASAN XIIS lataliyaha arimaha Debeda ee golaha

10.Cabdinaasir Cismaan Maxamuud Agaasimaha Waaxda qorshaynta ee Golaha

Dhinaca Weftiga

  1. Maria Groeneveld (EU)

2.Adnan Ahmed (EU)

3.Johan Svensson (Sweden)

4.Wacheke Michuki (Sweden)

5.Essi Raitala (Finland)

6.Nita Syvaoja (Finland)

7.Sascha Kienzle (Germany

  1. Erling Johnsen (Norway)
  2. Haako Svane (Norway)
  3. Morgan Riley (UK)
  4. Lizzie Walker (UK)
  5. Mathias Kjaer (DK)
Exit mobile version