YAGOORI(W,N)-Shirkii nabadaynta beelihii dirirku ku dhexmartay deegaanka dhabar dalool oo mudo ka socday degmada yagoori ee gobolka sool ayaa lasoo gabo gabeeyay iyadoo lagu soo afjaray shaqaadadii udhaxaysay laba beelood oo wada dega gobolka sool.
Gabo gabadii shirkan ayaa waxaa goob joog ka ahaa wasiirka wasaarada arimaha gudaha badhasaabka gobolka sool iyo madaxdhaqameed tiro badan oo ka kala socday beelaha dirirtu udhaxaysa.
Wasiirka wasaarada arimaha gudaha ayaa goobta shirka ka akhriyay qodobada lagu heshiiyay iyo qaab ay ukala qaadayaan wixii mag ah ee labada dhinac
HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;