WAJAALE NEWS

Dab Qabsaday Guryo Ku Yaala Xaafada Faluuja Ee Magaalada Hargaysa Iyo Khasaaraha Uu Sobobay.

HARGAYSA(W,N)-Dab ka kacay Guryo Caawa xaafada faluuja ee Magaalada hargaysa caawa canbaaro 11habeenimo ayaa sobobay khasaare hantiyeed kaasi oo ay ku shuf beeleen laba guri oo kala Ah Guri jiigad iyo mid daar ah halka guriga daarta ah la bakhtiiyay isagoo ay gubteen qaybo kamid ahi.

Sidoo kale waxaa dabka ku shuf beelay guri jiingada ah dhamaan wixii agab yaalay dabkan ayaan wax khasaare nafeed ah gaysan.

Dhanka kale ciidamada dab damiska ayaa soo gaadhay goor ay guryahani shuf beeleen oo dadkii xaafada daganaa ay ku guulaysteen in bakhtiyeen dabkii oo halis galiyay guro kale.

Xaafada faluuja ayaa kamid ah xaafadaha ay degan yihiin dadka danyarta ah kana mid ah degmada axmed dhagax ee magaalada hargaysa.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

 

Exit mobile version