HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan barkhad jaamac batuun oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa si adag uga hadlay kor ukaca miciisha dalka iyo fashil dul hoganaya wasaaradii ku shaqada lahayd.
“Wasiirka Ganacsiga ee ku fashilmay xakameynta sicirka maciishada shacabka Somaliland ayuu Xisbiga Kulmiye ku wada in uu dalkan Madaxweyne ku-xigeen ka noqdo, Goolaha Wakiiladdu waa goole shacab ee ma noqon doono goole Xukumadda iyo Xisbiyadda u adeega nolosha Bulshada mudnaanta leh.
Heerka Xukumaddii Kulmiye mareyso waxa tusaale inagaga filan in Kitaab la iskugu dhaarsanayo sidii Nafaha shacabka loo dili lahaa iyada oo dawlad dhan dhisan tahay waa Mas’uuliyad darro iyo Maamul xumo xaggii ugu dambeysay.
Iyama mudan in la xidho qof maamulka Kulmiye dhaliilay iyo qof dil shacab ku kacay?