WAJAALE NEWS

Prof Ibrahim Maxamed Meecaad Oo Talooyin La Xidhiidha Furashada Ururada Siyaasada Usoo Jeediyay Shacabka Reer Gabiley Iyo Fursadaha Horyaala!

Prof Meecaad Oo Si Qotodheer Uga Hadlay Sida Ay Reer Gabiley Ugu Khasaareen Xisbiga Kulmiye Iyo Waxyaabaha la Gudbood Hada ee ka qaybgalka ururada Siyaasada.

CANADA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad oo kamid ah aqoonyahanka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Canada kana mid ahaa saraakiishii Snm eek u guulaysatay dib ulasoo noqoshada xoriyada madaxbanaanida Somaliland ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee Somaliland iyo muhiimada bulshada uleedahay furista ururada siyaasada oo lafilayo in dib loo furo badhtamaha sanadka 2022.

Sidoo kale prof meecaad ayaa si faah faahsan uga hadlay talooyin ay soo waydiiyay  dhalinyaro reer Somaliland gaar ahaan gobolada gabiley iyo maroodi jeex oo la xidhiidha ka qayb qaadashada siyaasada

Dhanka kale Prof Meecaad ayaa bulshada reer gabiley guud ahaan ugu baaqay in ay isku tashadaan islamarkaana ay Umidoobaan “ganacsato, aqoonyahan ,waxgarad iyo siyaasiyiinba” sidii ay ufuran lahaayeen urur siyaasadeed iyagoo umada reer Somaliland wax la qaybsanaya.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version