WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha Jsl Oo Tacsi Udiray Marxuum Muuse Cismaan Warsame”Muuse Geedi” Oo Ku Geeriyooday Hargaysa.

TACSI MADAXWEYNE: 06/12/2021

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Muuse Cismaan Warsame (Muuse Geedi) oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu ahayd 06/12/2021, caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey oday aqoonyahan ah oo ka baxay dalka iyo dadka, doormuhiimana ku lahaa nabadayntii shacbiga Somaliland iyo dib u dhiskii dalka, kana mid ahaa wakhtigan Guddida Xuquul Insaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL

Exit mobile version