WAJAALE NEWS

Maamulka Degmada Wajaale Iyo Shirkadaha Basaska Ee Rakaabka Qaada Oo Ka Heshiiyay Khilaaf Udhexeeyay!

TOG WAJAALE(W,N)-Maamulka degmada tog wajaale iyo masuuliyiinta shirkadaha rakaabka qaada ee ka shaqeeya magaalada ayaa ka heshiiyay khilaaf maalmihii udanbeeyay soo kala dhexgalay kadib markii maamulka degmada amreen in aanay basaska jidka wadnaha magaalada ka rakaabsan doonan ismarkaana ay geeyeen istaan ugaar ah gaadiidkan.

Waxaana soo afjarida khilaafka maamulka iyo shirkadaha basaska qayb ka qaaday masuuliyiinta wasaarada gadiidka iyo jidadka Somaliland.

Gudoomiyaha degmada Tog wajaale iyo masuuliyiinta shirkadaha basaska ee ka shaqeeya magaalada ayaa ka hadlay heshiishka ka gaadheen khilaafkii udhexeeyay iyo qodoba ay ku heshiiyeen.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version