WAJAALE NEWS

Khabiirka Michael Rubin Oo Si Kulul Udhaliilay Adeegyada Shirkada Fly Dubai Iyo Khiyaamada Ay Kula Kacdo Dadka Tigidhadeeda Goostay!

HARGAYSA(W,N)-Michael Rubin Oo Ah khabiir ku Takhasusay Arrimaha Siyaasada Islamarkaana Hore Uga Soo shaqeeyey Aqalka Cad Ee Dalka Maraynkanka looga Arrrimiyo, sidoo Kalena faallooyin ka qora Geeska Africa Gaar Ahaan Somaliland Oo Uu Qadiyadeeda Marar badan u bandhigay bulshada Caalamka Kuna Daabacay warbaahinta ugu afka dheer dalka Maraykanka ayaa caawa qoraal uu kusoo baahiyey bartiisa Twitterka waxaa uu si kulul u dhaleeceeyey Adeegyada Shirkada Diyaaradaha Ee Fly Dubai, Waxaanu Qoraalkiisa ku sheegay khabiir Michael Rubin in shirkada diyaaradaha ee Fly Dubai Aanu Arag shirkad ka sumcad xun fly dubai oo kale,Wuxuna Yidhi; “Iyaga Oo Joojiyey Duulimaadyo ay ugu Kicitimi Jireen Meelo kala duwan ayay  haddana Tigidhada lagu raaco diyaarada ku iibinayaan xafiisyadooda iyagoo og in aaney u dhoofaynin meelaha ay dadka u jarayaan tigidhkooda”.

waxaanu ku sheegay in ay tahay khiyaano cad oo ay shirkada Fly Dubai ku sameynayso bulshada, iyagoo foojaro aan macno lahayn u jaraya bulshada oo khiyaano ah.

Dhaleecaynta uu Ujeediyey  khabiir Michael Rubin shirkada Fly Dubai ayaa kusoo beegmaysa Xili Ay Dhawaan Fly Dubai sheegtay in joojisay duulimaadyadii ay ku tagi jirtay Somaliland ee bulshadu u raaci jireen wadamo kala duwan, Iyadoo aaney jirin sabab rasmiya oo loo sheegay dadkii wakhtiga ay go’aankaa soo saartay shirkadu ka goostay tigidhada diyaaradeeda ee udiyaarka  ahaa duulimaadyadooda in Ay raacaan taasi oo iyana khasaare dhaqaale ku keenay kumanaan kamid ah dadka raacayay.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

Exit mobile version