WAJAALE NEWS

Wafti Ka Socda DDSI Oo Kulan La Qaatay Golaha Guurtida Somaliland Iyo Waxyaabaha Ay ka Wada Hadleen!

HARGAYSA(W,N)-Wafti iskugu jiray Madax-Dhaqameed,ganacsato, qareeno iyo masuul kale oo ka socday Ismaamulka dawlad deegaanka somalida itoobiya oo Maalmahan ku sugnaa caasimada Somaliland ee hargaysa ayaa kulan la qaatay xildhibaanada golaha guurtida Somaliland oo ay ku booqdeen xarunta golaha.

Waftiga ka socday ismaamula somalida itoobiya oo uu horkacayay garaad kulmiye garaad wiil waal oo aanta kulan la qaatay golaha guurtida Somaliland ayaa ujeedada socdaalkoodu ahayd sidii ay aqoon korodhsi uga heli lahaayeen golaha guurtida Somaliland iyo qaabkii loosoo dhisay oo ay sheegeen in ay maamul ahaan doonayaan in ay ka faa,iidaystaan si dawlad deegaanka somalida itoobiya loogu dhisi lahaa gole guurti.

Sidoo kale xildhibaanada golaha gurtida Somaliland ayaa soo dhaweeyay waftiga iyo xogo dheeraadana ka siiyay golaha guurtida iyo sidii loo aas aasay.

Xildhibaan Suldaan ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan ayaa xog waran ka siiyay waftigan DDSI Qaabkii loo aas aasay golaha guurtida iyo marxaladihii uu soo maray.

Dhanka kale Garaad Kulmiye Garaad wiil waal oo waftigan DDSI Horkacayay ayaa ka mahad celiyay sida ay golaha guurtida Somaliland usoo dhaweeyeen iyo waxyaabaha ay ubaahan yihiin in ay ka korodhsadaan golaha guurtida Somaliland.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALA WARKAN;

Exit mobile version