WAJAALE NEWS

Shirkadaha National Company(Indha Birta) Iyo Boodhari Mills Oo Kala Sexeexday Heshiish Iskaashi!

HARGAYSA(W,N)-Shirkada National Company (Indha Birta) Iyo Shirkada boodhari Mills Soo saarta aqiiqda iyo calafka xoolaha ayaa maanta kala sexeexday heshiish iskaashi oo dhexmara laba Company.

Heshiishkan ayaa ah sidii laba company iskaga kaashan lahaayeen dhinaca tamarta  iyo suuqqaynta daqiiqda ay soo saarto boodhari mills.

Munaasibada ay labadan shirkadaood ku kala sexeexanayeen heshiishka ayaa waxaa kazoo qaybgalay masuulyiin ka socday komishanka tamarta ee  xukuumada Somaliland madaxdhaqameed, siyaasiyiin iyo aqoonyahan iyo haween.

Ugu horaynaya waxaa muhiimada heshiishka iskaashi ee National Company(indha birta iyo boodhari mills faah faahin ka bixiyay gudoomiyaha boodhari mills Cabiraxmaan Sh, Axmed Nuur, Iyo Gudoomiye Maxamed Xuseen (indha birta).

Dhanka agaasimaha guud ee komishanka tamarta Somaliland ayaa soo dhaweeyay heshiish ay wada galeen labadan shirkadood isagoo shirkadha kale ugu baaqay in ay waxka bartaan heshiishka labadan shirkadood dhexmaray oo ah mid ku cusub guud ahaa shirkadaha ganacsi ee Somaliland.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

Exit mobile version