Cumar Qiyaas Oo Ka Xogwaramay Magaalada Hargeysa Iyo Waxyaabaha Ay Dheer Tahay Magaalooyinka kale!
“Hargeysi Maqaamka Caasimada Somaliland Ka Sakow, Waxay Lahayd, Idaacadii Ugu Weyneyd Uguna Horeysey Geeska Afrika”,Cumar Qiyaas.
Abwaano badan baa heeso u curiyey, Abwaanadaasi mid weliba Si buu u muunadeeyey, ina ka sheegey mudnaanteeda Iyo Maamuskeeda, hadana waxaan huba a in aanu jirin Abwaan Gaadhsiiyey mudnaanteeda ,Horta wey sii soconeysa curintaas heesaha Hargeysa, balse sida weligii ugu yidhi nin dhameystiri Kara ma jiro. ANNA Idhi,. Cajaba – Cajaba.
Hargeysadaydii.
Wiilka yare,ninka weyn wuu ixtiraami jirey,, ninka weyn ee wada kaaga soo hor baxaa, sidii waalidkaa buu kuula dhaqmaayey Bogaadin Iyo kalgacal kuu muujinaayo.
Hargeysi waa magaalo magaceeda kor maraayo ama hor fadhiisanaayo Ku dhawaqistiisu, ama shiiqinaayo magaalooyinka kale ee geeska Ku yaal .waxa ay la mid tahay ama la darajo tahay magaalada London sida ay u hor fadhiisaneyso kuwa kale ee yurup.
.Hargeysi maqaamka caasimada Somaliland Ka sakow, waxay lahayd, Idaacadii ugu weyneyd uguna horeysey Geeska Afrika, waxa kale oo ay lahayd fadhiisintii ama maqaamkii weynaa ee sheekhii burhaanta lahaa ee Sheekh madar, waxay la hayd ganacsato waaweyn, oo qorsheeya wajiga dhaqan dhaqaale , waxay la hayd salaadiin Iyo cuqaal suga xeerarka dhaqanka Iyo wada noolaanshaha. Waxay lahayd Abwaano waaweyn oo looga dambeeyo, Curinta, heesaha Iyo ruwaayado Iyo sugaano dhexal gal ah, oo i yahano Fara badan , “qofka madarasatu funuunka” soo galayaa waxay ahayd in uu Hargeysa ilaa maantana tahay in uu Hargeysa yimaado si uu u tis qaado fankiisu Iyo caan noqoshadiisu. Hargeysa waxa la yidhaa was hoygii fanka Iyo sugaanta.
Hargeysi waa magaaladii aan dugsiga hoose Ka bilaabay,waa magaaladii malcaamadii 2aad, aan Ka galay,
Malcaamadani wey Ka gadisneyd tii aan kalabaydhka Ka bilaabay, waayo waxa la isku baraayey hingaada af carabiga ah.., macalinkii Wax noo dhigaayey wuu indha la, aa, ,
Alle naxariistii Jano ha Ka waraabiyee, wuxuu ahaa nin codadka ardeyda Iyo magaciisa mar keliya haduu maqlo marnaba aan ilaabeyn ama mid,kale Ku khaldayn. Malcaamadii kowaad, Alif la kordhabay, Alif la hoos dhabay Iyo Quraan. Malcaamadan 2aad, Aa fadxaa aa, Aa kisraa Aa, Aa duma Aa Iyo Quraan
Dugsiga maalintii la is qoraayey aniga ayaa iska tahay, aniga oo la tartamaaya ninkii iga. Weynaa oo dugsiga sheekh bashiir la geeyey, Dugsigii dunbuliq Ku yaal Ayaan salaadii subax intaan la gelin safkii hortisii fadhiistey, waxa maalintaas imtixaanka qaadaayey Alle naxariistii Jano ha Ka waraabiyee Cumar meygaag samater. Imtixaankii markii aan gartey buu Sare ii qaadey oo uu yidhi ,inankaas yaa dhalay, deeto Cid i sheekata Aya la waayey, !!!!!!!.
,Nin habaryartay qaba ayaa yidhi, anigaa garanaaya , kadibna waxa lagu yidhi dugsiga sabtida keen imtixaankii wuu helaye.. , sanad Ka bacdina waxa la ii soo bedelay Dugsigii sheekh bashiir.
Magaaladu waxay lahyd garoomo kubadaha dhalinyaru Ku ciyaarto oo faro badan.meelo
Baaskiiladaha , dhalin yartu Ku ciyaarto oo shacabka u badan ,.
Cinamooyin loo caweys tago ayey lahyd.
Beerta xuriyada ama theatre Ka Ayaa iyana ruwaayado dhaqan oo qiimo badan lagu cawayn jirey.
Magaalada hargeysa waxa Ku noolaa dad ilbaxa.sida uu Ku sheegay,cabdisalaan.x.Aden qabile, gabaygan ,” Hadaan taan Ka baqayaa dhacdo oo beriga la i geeyo, Bolal, Iyo hadaan Qaasimo, idinku soo biiro , lix hal oon u baahnahay miyuu leeyey Baladkii, ” bulsho aan Kala lahayn bah Iyo reer toona,” inta kale een gabaygan Ku jirtey maan garan waayin, balse ma khuseydo maqaalkan.
Mawliidka nabiga si weyn baa loogu maamuusi jirey, inta loo yeedho sheekha is ugu weyna, uguna cilmiga badana wakhtigaas Alle ha u naxariisto, sheekh cabdiraman kaariya, Culimo sheekh madar Ka socota, ayaa rugta booliska dhexe ee Hargeysa laga bilaaba, socodka, musheekhduna ay hor kacayaan Iyo wadaado Fara badan, Tiriig badan baa garabka Ragga qaarkood Ku qaadaan, waxaana hor kacaysey Baanbooyda booliska, ,ciidamo booliis ah Aya iyana dhinacyada Ka socon jirey dadkaas.
salawaadka la qaadi jirey ilaa la gaadhaayo garoon u dhawa xarunta dawlada hoose agteeda oo si fiican loo akaasimay.Halkaas ayaa habeenkaas oo dhan Rasuulka ScwA, lagu weyneyn jirey Laguna maamuusi jirey berigaas,
Hargeysi waxa ay kaga soocon tahay ama gaarka ay u leedahay buuro badan oo Ku wareegsan, waxa intaaba kor maray Buuraha cajabka badan ee labada naas, ee magacooda la yidhaa ” Naaso hablood”. Taas oo mujinaysa ninka Hargeysa ,”waagu ugu baryaa “, in indhihiisu Ku doogsanays muuqaalkaas bilicdasan.
Hargeysi waxa ay lahayd ” Garoonka diyaaraduhu Ka duulaan,oo shan mile u jiro Magaalada, waxaan xasuustaa, Aden Airways Iyo Yeman Airline Iyo Somali airline.
Dhalinyartu galabtii, xiliyada gu’ga ah, waxay Ku raaxaysan jireen Baliyo Iyo biyo galeeno, magaalada dhinacyada Ka xigey,
Waxaan xasuusta anaga oo midhaha gobka, gombashaha Iyo mudhacaan Ka dharagna.
Waxa hubaal ah in magaaleynta Iyo guryeenta dhulku ay dabeecada waxyeelo u geesto. sawirkaas hore ee Hargeysa ee madaxayga Ku jira waa igala qurxbadan yahay Kan maanta jira.
Saaxiib, ama akhriste la soco qaybta 2aad, oo noqon doona, ” Hargeysada Cusub”
QALINKII; CUMAR QIYAAS.