WAJAALE NEWS

Somalilnd: Il Iyo Cawriba La’aw

Waxay ahayd Todoba sanaddood oo Nabad iyo Horumar ah intii Xisbiga Midnimada iyo Horumarku dalka ka arriminayey

 

Ilbaxnimadu waa horumarka bulshada iyadoo loo eegayo heerkooda
Dhaqan,Dowladnimo iyo Aqooneed.Intii reer Somaliland ku gudo jireen
Ol’olaha,isusoo baxyadooda marka dusha laga eego waxaad moodeysey kayn
Ubax iyo Dooggu is qariyey,waxaa iyaguna meel sare sii gaadhsiiyey
qaab masrixiyeedkii iyo dhalinyaradii midabada is marisey iyagoo
Xisbiga ay taageerayaan ku hanweyn.Ilbaxnimadu saas weeye.

Waxay ahayd Todoba sanaddood oo Nabad iyo Horumar ah intii Xisbiga
Midnimada iyo Horumarku dalka ka arriminayey,waxaa la casriyeeyey
Dhismayaasha iyo Qalabka madaarada,iyadoo la kordhiyey Garoonka
Diyaaraduhu ku ordaan ee Hargeysa,taas oo keentay inay maanta soo
fadhiistaan diyaarado caalami ah iyo kuwo calammada wadamadooda
sita,waxaana ka mid ah Fly Dubai,Al Carabiya,Air DJibouti,Ethiopian
iyo qaarkale.Waana midhihii Kulmiye.

Waxaa La dhisay badiba Dhismayaashii Wasaaradaha,Guryihii Martida ee
Gobolada,waxaa Dowladihii Hoose la siiyey awoodii ay u
baahnaayeen,waxayna dhiseen Dhismayaal iyo waddooyin badan (waxaa
tusaale wanaagsan kuu ah Degmada Ceerigaabo oo Kulmiye baray Laamigu
siduu u egyahay,iyadoo gudeheeda laga dhisay 12km) waxaa kala badh la
dhamaystiray waddada Siilaanyo (Togdheer-Sanaag),waxaa iyana la dhisay
Iskuulo,Xanaanooyin iyo Dhakhtaro aad u badan.waxaa lasoo iibiyey
Qalab,Gaadiid Ciidan,wasaaradeed iyo kuwa Hay’ada Wadooyinka iyo
Dowladaha hoose.

Waxaa Naafada Lixda Gobol loo qaybiyey boqolaal Gaadiid kala duwan oo
noloshooda wax weyn ka bedeley,Abaarkasta oo inasoo martay waxaa la
sameeyey Biyo dhaamis,Idaacaddii iyo Telefishinkii baa caalami laga
dhigay,waxaa la kordhiyey dhowr jeer mushaharaadkii shaqaalaha iyo
Ciidamada kala duwan,Derejadii Ciidamada ayaa la sameeyey,waxaa
mushahar iyo gunno loo qoray Madaxdii Xukuumadihii hore,waxaa,waxaa
…..

Waxaynu doonaynaa Somaliland u qurux badan sidii Ol’olaha,waxaynu u
baahanahay Hogaamiye Taariikh Halgan,Haybad,Hubqaad iyo Hal-adayg
leh,Hogaamiye saaxiib dhow la noqon kara oo Afkooda yaqaan Iitoobiya
iyo Jabuuti,Hogaamiye loo kala turjumo Soomaaliya.Dooro Murashax Muuse
Biixi Cabdi.

Adoonku Rabbow ma dayo,deeqdaada intuu hantiyo
Duntii maqan buu tebaa,wuxuu degdeg kaaga filay
Hadaanay kusoo dul quban,cadhuu la dekaamayaa
Dibnuhu baryaday karaan,daryeel kama mahad ceshaan.
‘maansadii daba huwan iyo macalin Hadraawi’

Bashiir Tarabi Oogle,
bogleh69@gmail.com

Exit mobile version