WAJAALE NEWS

Xukuumadda Biixi Si Mas’uuliyadi Ku Jirto Ugama Ay Jawaabin, Marnaba Ilaa Hadda, Tabashada Awood Qaybsiga Ee Beelaha Miisaanka Weyn Ku Leh Somaliland!

Xukuumadda Biixi Si Mas’uuliyadi Ku Jirto Ugama Ay Jawaabin, Marnaba Ilaa Hadda, Tabashada Awood Qaybsiga Ee Beelaha Miisaanka Weyn Ku Leh Somaliland! Qoraa Maxamed Baashe.

Lama sii dhayalsan karo arrintaas marka la eego muddada ay xukuumaddani jirto ee sannadka ku sii siqaysa, ahmiyadda ay arrintani u leedahay midnimada iyo wada jirka Somaliland iyo saamaynta taban ee is beddellada gobolka ee xawliga ku socda oo Somaliland ka xaglin kara.

Haddii aanu madaxweynuhu tallaabo wax-ku-ool ah hore ugu dhiirran qaadisteeda marka uu hadda ka soo laabto safarradiisa muhiimka ah ee gobollada bariga oo aanu dib u qiimayn wixii uu dadka kala soo kulmay, waxa suurto gal ah in arrimuhu sii murgi karaan oo hadhow wax ka qabashadu adkaan doonto.

Tabashada beelaha darafyada in badan ayay taagnayd oo ku siman intii uu Kulmiye talada yimi siddeed sannadood ka hor ilaa maanta. Taasi oo mar kasta wiiqaysey hanaqaadka wada jirka iyo midnimada shacabka.

Iyada oo ay taasi jirto, ayay xukuumaddii Muuse dhisayna waxa ay soo kordhisey tabashooyin cusub markii uu Muuse magacaabay xukuumad dhinac ka raran oo ka baxsan xuduudihii awood qaybsiga, isu dheellitirka xilalka la magaabayo iyo jagooyinka.

Natiijooyinkii laga dhaxlay ololihii doorashada ee xanafta iyo dhafoor-taabashadu ku badnayd ee kala irdheeyey is jacaylkii iyo isu hilowgii ummadda waxa kor u sii qaaday xukuumadda uu Muuse magacaabay ee aan isu dheelliga tirnayn oo sii siyaadisey kala qaybsanaan iyo kala fogaan si muuqata uga sii dhex hanaqaadaya bulshada dhexdeeda.

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, waxa looga baahan yahay in uu la yimaaddo oo ka midho-dhaliyo aragti caafimaad qabta iyo wada xaajood ay hagayso garashada talo wadaag ee isu garaabitaanka iyo isu tanaasulku salka u yihiin.

Waxa la gaadhey xilligii madaxweynuhu albaabbada iyo dhegaha u furi lahaa tabashooyinka beelaha darafyada iyo beesha Garxajis oo si muuqata meeqaankeedu u hooseeyo marka la eego awood qaybsiga dawladda; golaha fulinta, golayaasha sharci dejinta iyo maxkamadda sare.

Safarrada madaxweynaha ee gobollada bari markaas uun bay macno samayn karaan, haddii kale waa “maxaa daal la korodhsaday”.

Rag waxaan ku maamuli aqaan ama ku maamuusi

Masa inaannu nahay oo tollimo meerto noo tahay. Saahid Qamaan, AHN.

QALINKII; QORAA MAXAMED BAASHE XAAJI XASAN

Exit mobile version