HARGAYSA(W,N)-Madaxweynaha Jamhuuriyada somaliland Mudane muuse biixi cabdi ayaa bilo ka hor safar uu ku tagay dalka djibouti markii uu kasoo laabtay warbixin uu ka bixiyey safarka uu ku tagay dalka djibouti iyo waxyaabaha ay ka wada hadleen, waxa uga soo qabsoomay, waxaa kamid ahaa hadalada maalintaasi uu ku sheegay khubadiisa in dawlada djibouti ay ka wada hadleen Muwaadinkan oo reer somaliland ah kuna xidhnaa muddo ilaa 8 sano ka badan dalka jabuuti, islamarkaana qoyskiisu hore warbaahinta uga sheegeen in wiilkooda loo haysto arrimo aanu ku lug lahayn, waxaa muwaadin oo kamid ahaa dhalinyarta somaliland lagu qabtay caasimada hargeisa ee jsl, goobtii uu ka shaqeynayey, waxaana Wakhtigii xukuumadii madaxweyne Siilaanyo oo uu wasiirka Arrimaha gudaha ahaa wasiir Cali Maxamed warancade ay ahayd wakhtiga muwaadin Cabdillahi Sheekh Cabdiraxmaan, loo gacan galiyey dawlada jabuuti, hooyada dhashay wiilkan oo dhawr warbaahinta kasoo muuqatay ayaa si naxdin leh uga hadashay una codsatay in loosoo daayo wiilkeeda,iyadoo sanadadaa uu xidhaa wiilkan ay dhashay naxdinta iyo wararka oohinta joogta ah ay indho beeshay.
Waxaanay sheegtay in xukuumadii hore madaxweyne siilaanyo dhawr jeer oo ay ergooyin kala duwan u dirtay heer madaxweyne ilaa wasiirkii arrimaha gudaha oo ahaa Warancade aaney cidna waxba ka qaban, waxaaney codsi u dirtay dawlada jabuuti madaxweyne ismaaciil cumar geelw iyo Marwadiisa khadra xayd in wiilkeeda loosiidaayo.
Hadaba wakhtigan oo ilaa hadda ay bulshada jsl iyo qoyska wiilkani is waydiinayaan balanqaadkaa hore madaxweyne biixi sheegay in siideyntiisa wiilkan u dhashay somaliland ay kala xaajoodeen dawlada jabuuti lana soo deynayo, ayaan wali ilaa hadda hirgalin, lana soo deyn.
Wakhtigan ayaa dawlada somaliland iyo Dawlada jabuuti xidhiidhkoodu yahay mid wanaagsan iyadoo wada shaqeynta laamaha amaanka ee labada dalna tahay mid xoogan, taasina waata sababtay in dawlada somaliland Taliska ciidamada boolisku ay ku soo martiqaadan Xuska Aas-aaska Ciidamada Booliska somaliland Taliyaha ciidamada Booliska Dalka jabuuti iyo dawlad deegaanka somalidaba