HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga Wadani oo Wareegto Uu soo saaray ku Faah Faahiyay shaqada gudoomiye Kuxigeenada Xisbiga.
Waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 21/11/2021 u cayimay guddoomiye ku xigeennada xisbiga Waddani xilalkan, sida ku xusan xeerka xisbiga.
Waxaan xusuusinayaa mudanayaasha sharafta leh in masuuliyadahan aan u igmaday yihiin waajib saaran oo ay tahay inay u gudaan bulshadii dooratay, ayna kala xisaabtamayaan, tii Allena ay dambayso.