WAJAALE NEWS

DAAWO;-Waraysi Dhinacyo Badan Taabanaya Oo La layeeshay Gudoomiyaha Komishanka Tamarta Jsl.

“Habeenkii Marka Aad Hargaysa Joogto Waxaad Moodaa Caasimadii Caalamka In Aad Joogto, Maalintii Waxaad Is Odhanaysaa Waa Maxay Magaalada Dusha Ka Miinaysani”Gudoomiyaha komishanka Tamarta.

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha komishanka tamarta Somaliland Maxamed Faarax Cadare ayaa lala yeeshay waraysi Dhinacyo badan taabanaya kaasi oo uu kaga hadlay shaqada komishanka tamartu uxil saran yahay qaranka iyo wada Shaqaynta udhaxaysa wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland.

Sidoo kale gudoomiyaha komishanka tamarta ayaa ka hadlay khatarta ay caasimada hargaysa ku yihiin xadhkaha laydhka ee dusha mara iyo waxyaabaha uga qorshaysan komishan ahaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen

Dhanka kale gudoomiyaha komishanka tamarta ayaa ka hadlay tartanka udhexeeya shirkadaha laydhka ee ka hawlgala caasimada hargaysa iyo sidii xal loogu heli lahaa shuruuc lagu maamulo shirkadahaasi oo mararka qaarkood khilaafkoodu gaadho gacan ka hadal iyaga oo ku tartamaya galinta dabka ee guryaha shacabka.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

Exit mobile version