WAJAALE NEWS

Mareeye Kuxigeenka Cusub Ee Haayada Duulista Iyo Madaarada Jsl Oo Xilkii La Wareegay.

HARGAYSA(W,N)-Maareeye kuxigeena cusub ee haayada duulista iyo madaarada Somaliland Sharmaake Ismaaciil Idiris ayaa maanta xilkii la wareegay isagoo halkaasi oo ku soo dhaweeyay maareeyaha haayada duulista iyo madaaradu cumar sayid,

Haayada duulista madaarada Somaliland ayaan hore ulahayn maareeye kuxigeen kaasi oo aanay jirin uu xilkaasi kala wareegayo.

Sidoo kale waxaa munasibada uu xilka kula wareegayo kuxigeenka ka hadlay maareeyaha haayada duulista iyo madaarada Somaliland oo soo dhaweeyay masuulkan cusub ee madaxwaynuhu umagacaabay xilkan

Dhanka kale maareeye kuxigeenka cusub sharmaake ismaaciil idiris ayaa ka hadlay xilka uu madaxwaynuhu umagacaabay isagoo sheegay in madaxwaynaha Somaliland uu fursad siinayo dhalinyarada .

 

 

Exit mobile version