WAJAALE NEWS

Gudoomiye faysal Cali Waraabe Oo Wax Laga Xumaado Ku Tilmaamay Talaabadii Maxamuud Xaashi Lagaga Saaray Kulmiye Iyo Abaalkii Uu Ku Lahaa Muuse Biixi!

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa wax lagu xumaado iyo Abaal La,aan ku Tilmaamay Talaabadii xisbiga kulmiye lagaga saaray siyaasi maxamuud xaashi oo kamid ahaa Aas Aasayaasha xisbiga.

Sidoo kale gudoomiyefaysal ayaa sheegay in siyaasi maxamuud xaashi tacab badan galiyay muuse biixi xiligii uu doonaya musharaxa kulmiye oo laga soo wada horjeeday uu kaligii ku hadhay muuse.

Dhanka kale gudoomye faysal ayaa siyaasi maxamuud xaashi xaal kasiiyay falkaasi lagula kacay. Isagoo arimahaasi ka hadlaya wuxu yidhi;

” Waxaan ka xumahay oo aan tacsiyadaynaa Maxamuud Xaashi in ay taasi ku dhacdo, la,ana waxaan ogahay tacabkii uu galiyay maxamuud xaashi muuse,waxaan markhaati uga ahay maxamuud wakhtigii muuse la waataynayay ee shaanida in uu kalidii ku hadhay anigoo ugu tagay isagoo guriga la jooga muuse,

sidii cuqaasha aan u hadlee Abtigay Muusena waxaan leeyahay arintaa xaal baan ka bixinayaa Abti , ninkaasi wuxuu soo galiyay tacab muuse odhan mayo kulmiye e.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version