WAJAALE NEWS

Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Reer Gabiley Sir, Ay Kala Heleen Iyo Si Ay Isku Tuhunsanaayeen!

Tan Iyo Laba Digreeto, oo Dhawaan Madaxweynuhu soo Saaray, Waxaa Isweydiin badani ka dhalatay Sababta aanu Madaxweyne Muuse Biixi Hal Qof igu Darin Magacaabista iyo Xilalka Qaranka ee uu Inta badan Sameeyo Kumaan Aqoonyahan ah, oo Kasoo jeeda Gobolka Gabiley iyo Sababta Aanu Raali uga ahayn,  in Kor Loo Qaado, Mawduuca Ku Saabsan, Qadiyada Gobolnimada Gabiley iyo Waliba Xilalka Loo Soo Magacaabo Dadka Degmooyinka, iyo Gabiley Matelaya, oo la sheegay in qoyskiisu Saamayn Ku Leeyihiin.

Madaxwayne biixi oo bulshada reer Somaliland marwalba ku Eedayso in aanu cadaalad umada Somaliland wada dhex muuqato umagacaabin xukuumadiisa mid bari ilaa galbeed ayaa sitaasi lamid ah aan isumin beesha uu kusoo jeedo, isagoo xilalka ugu badan ku taxay jufadiisa hoose oo aan digrayto kaliya oo uu magacaabo ka maqnayn. Inkastoo wakhti xaadirkan Reer gabiley iyo madaxwayne biixi ay umuuqda in ay si dhow iskula socdaan,

 

DegmadaTog-Wajaale oo Kamid ah Degmooyinka Istiraatijiga ah Guud ahaanba Somaliland Dhaqdhaqaaqyada Isku Gudubka Somaliland iyo Itoobiya, oo ay Mar Walba Qeyb Ka tahey Xidhiidhka iyo Iskaashiga Labada dhinac, Waxa ay Dad Badani aad u dhalili jireen in Xukuumadii hore, ee Kulmiye Fursado badan ka Lumisay, In Maamul Aragti Fog Leh loo Magacaabo halkaasi Maadaama, ay Reer Tog-Wajaale si Nafhurnimo ah ugu Codeeyeen Madaxweynihii hore Axmed Silaanyo, inkastoo Wakhtigaa dhismayaal laga Sameeyay haddana Waxa ay Dad badani Qabaan in Wax Nadan Loogu Hoosaasiyay, haba Kasii Darnaato, Halka ay ka Dhacday, Filashadii Lagaga Dhursugayay in Wax badani iska Badeli Doonaan Dhinaca Maamulka iyo Adeegyada Aasaasiga u ah Bulshada oo Kor Loo Qaadi Doono, Waxa Xaqiiqi ah in Maanta inta ug Badan ee Shacabka Ku Nool Tog-Wajaale Ka Murugaysan Yihiin in.Madaxweyne Muuse Biixi u Hibeeyay in Maamul Looga Dhigo Degmada cid bulshada wada ogtahay halka laga soo magacaabay,halkaasna ay ku Baaba,aan Mustaqbalkii iyo Rajadii La Filayay.

Sikasta oo ay Tahey, Shacabkii Kulmiye ugu Codeeyay in Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Noqdo Somalland, ee Reer Tog-Wajaale oo Madaxweynuhu usoo Xulay, Shakhsiyaad aanay Waligood il iyo Baal Ka qaadin Waxna Kusoo kordhinayn Mustaqbal ahaan iyo Rajo, ahaan ayaa Wakhtigan u Muuqata mid ay Illaahay ku Xawileen in lagaga abaaliyo isaga(Madaxweynaha), Maalmihiibu Dambeeyay, Waxa ay Shacabka Tog-Wajaale aad u hadalhayeen Gudoomiyaha Degmada iyo Xoghayaha D/hoose oo labadooduba Maanta Tuke Baalcad. Ka ah degmada gabi ahaana ku fashilmay masuuliyadiin loo cumaamaday halka qaarkoodna ay degmada baahiyaa qabta ka dhisteen guryo hargaysa iyo  gabiley ku kala yaala.

SUXUFI FARXAAN M, BARKHAD

 

 

 

Exit mobile version