WAJAALE NEWS

Madaxwayne Kuxigeenka Jsl Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Caawa Gaadhay Magaalada Burco, Xili Shacabku Udhag-taagayeen Imaatinta Madaxwayne Biixi!

Dareenada Ka Dhashay Sobobta Madaxwayne Biixi Uga Baaqday Socdaalkii Lafilayay In Uu Ku Tago Gobolka Togdheer, Xili Shacabka Ku Dhaqan Magaalada Burco Udhag Taagayeen Imaatinkiisa!

BURCO(W,N)-Madaxwayne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wafti uu hogaaminayo ayaa caawa Fiidkii gaadhay magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco Halkaasi oo maamulka gobolka iyo ka degmadu Ay kusoo dhaweeyeen duleedka magaalada burco.

Ujeedada safarka madaxwayne kuxigeenka Somaliland ku gaadhay magaalada burco ayaa ah sidii uu uga qaybgali lahaa xaflada qalin jabinta ardayda jaamacada burco

Sidoo kale safarka madaxwayne kuxigeenka jsl ku tagay gobolka togdheer ayaa imanaya kadib markii uu baaqday socdaal lafilayay madaxwaynaha Somaliland muuse biixi cabdi in uu ku tago magaalada burco oo sida wararka sheegayaan markii hore ay qorshaysnayd in uu madaxwaynuhu ka qaybgalayo xaflada Qalin jabinta ardayda jaamacada burco, maadama uu hore uga Qaybgalay xafladihii qalin jabinta Ardayda jaamacadaha magaalada boorama ee  Camuud iyo jaamacada Tima cade ee gobolka gabiley.

Macada sobobta keentay in madaxwayne muuse biixi ka baaqdo socdaalkii maalmahanba la hadal hayay ee uu ku tagayo magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco ,xili ay gobolkaasi ka jiraan arimo la xidhiidha tabashada Cornal Jaamac doolaal Iyo shacabka ku dhaqan gobolka oo iyagu hadalo diidmo ah iyo Eedo warbaahinta usoo mariyay xuuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne biixi,

Gobolka togdheer ayaa kamid ah goboladii bud-dhiga u ahaa xisbiga kulmiye iyo guushii madaxwayne biixi ku hantay kursiga madaxwaynenimada Somaliland doorashadii 2017, wallow wakhti xaadirkan ay jiraan dareeno lagaga soo horjeedo xukuumada madaxwayne biixi oo ay shacabka ku dhaqan gobolkani sheegeen in aanay waxba uqaban ismarkaana aanay kazoo bixi balan qaadyadii uu madaxwaynuhu uqaaday in uu gobolka ka fulinayo wakhtigii uu ku jiray ololaha madaxwaynenimo oo hada laga jooga mudo Afar sano ah  Halka Ay mudo xileedkeekiisiina ay ka hadhsan tahay hal sano oo kaliya .

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

 

Exit mobile version