Prof Ibrahim Meecaad Oo Fariimo Isbarkan Udiray Xisbiga Wadani Iyo Xukuumada Oo Maalmihii Udanbeeyay Eedo Qarannimada Dhaawac Ku ah Isku Marinayay Warbaahinta!
BEESHA UU KASOO MUUSE BIIXI DHIB IYO
CANADA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad Oo kamid ah Aqoonyahan reer Somaliland Ee ku dhaqan dalka Canada Ismarkaana kamid ahaa Hormuudkii halgankii dib uxoraynta Somaliland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in xisbiga wadani iyo xukuumadu bulshada lasoo hor fadhiistaan yooyootan iyo eedo ay iskugu jeedinayaan cidbaa somaliya ah iyo wasiirada qaar ayaa danahooga ku ah Somaliland taasi oo ceeb ku ah in shacabka lala horyimaado arimahaasi.
Sidoo kale Prof Ibrahim Meecaad ayaa ka Digay Abaabulka Madaxwayne Biixi Iyo kala qaybinta beelaha Somaliland oo uu bilaabay afar sano kadib isagoo doonaya in markale codka lagu siiyo tolaayeey sacad muuse oo xukunkiisa dhib mooyee aanu dheef ulahayn isagoo bogaadiyay siyaasiyiin xisbiyada mucaaridka ee beesha kazoo jeeda oo arintaasi kazoo horjeestay in markale umada la kala qaybiyo.
Dhanka kale prof Meecaad ayaa sheegay in beesha uu Kasoo jeedo Madaxwayne biixi dhib iyo afgalaado ay beelaha ujeediyaan mooyee aanay waxba ka faa,iidin xukunkiisa isagoo si gaara uxusay sida reer gabiley ugu khasaareen xukuumadihii kulmiye iyo cay iyo godobta ay ka dhaxleen.
HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;