WAJAALE NEWS

Xildhibaan Guruuje Oo Maanso Kaga Dareen Celiyay Waxyaabaha Keenay In Uu Ka Leexdo Xisbigiisii Kulmiye Iyo Gantaal Uu Ku Ganay Gudoomiye farxaan Aadan Haybe.

“Waatay Wasiiradda Tadhahey Tayda Qariyeene

Tacabkayga Waatey Tireen Ina Taseeyeene

Tabcadii farxaan Iyo Siciid Tiih Imey Geline”Xildhibaan Guruuje,

HARGAYSA(W,N)-Xildhibaan Garyaqaan Axmed Nuur Guruuje oo kamid ah munayaasha kazoo baxay gobolka maroodi jeex kana soo baxay xisbiga kulmiye ayaa maalintii dhawayd ee la doorayay shir gudoonka golaha wakiiladay noqday mudanihii horseeday guusha isbahaysiga mucaaridku ka gaadheen shir gudoonka golaha kadib markii uu ucodeeyay ayaa maanso gaaban kaga dareen celiyay sobobta uu uga leexay faratoon iyada ay xukuumada iyo siyaasiyiin ay isku hayb yihiin udhagaysan waayeen hankiisa,

Gabay uu xildhibaan guruuje soo qaatay ayaa ah mid xanbaarsan ereyo culus iyo tiiq tiiqsi uu ugu jawaabay dadka sida khaldan u aflagaadaynaya wuxuna udhignaa Sidan;

Qorre Xildhibaan Guruuje

“kaftanka Maanta, Saw Tunkay Ka Leefeen Ilmadda Laguma Taandhaynin ”  .

Sidaan Ahey tigrey shaley markii la I tagliifaayey ,

Tv ga goortaan gartii toosan marinaayey ,

Tolaayayda goortaan lahaa taladda ii jooja ,

Waatay Wasiiradda Tadhahey Tayda Qariyeene

Tacabkayga waatey tireen Ina taseeyeene

Tabcadii farxaan iyo siciid Tiih Imey geline

Inkastooy I tuureen hadana taa kaamaan cabane

Anba maan tawaawicin markay igu tigraarsyde

Tashigayga inaan aarsadaan taa gudoonsadaye

Tumaatidda markii aan la heley  tacajabkii gaadhey

Saw tunkay ka leefeen ilmadda Laguma taandhaynin .

 

 

Exit mobile version