WAJAALE NEWS

“Waxa Aan Arkayaa Waa Laba Kooxood, Oo Laba Fikir Kala Sidata!! Abwaan Weedhsame.

1;Qolo Waxay Somaliland iyo dadkeeda u aragtaa in ay Gaaloobeen oo ay murtadiin yihiin. Waxay is Tuseen in xil ka Saaran yahay sidii dadkan gaaloobay loogu soo dabbaali lahaa Islaannimadii. Qoladani dimuqraadinimada iyo doorashadu Xaggooda waa kaa gaalnimo, distoorka iyo sharciga dadku Dejistayna waa xukun aan kii ilaahay ahayn.

Kooxdani, gabadha waxay u arkaan inay tahay hilib bisil oo ciddii aragtaaba cunayso. Qofka dumarka ahi, ma laha caqli ay ku kala garato samaha iyo xumaha, sidaas darteed waa in hadh iyo habeen gaadh laga hayo.

2;Qolada kalena, waxay Dadka u arkaan qoom jaahiliin ah, oo Aan ummadaha dunida la jaan-qaadi karayn, una baahan in la Jafjafo oo la ilbixiyo. Waxay dib u dhac u arkaan Anshaxa iyo Dhaqanka bulshada siduu u dhan yahay.

Kooxdani, gabadha xijaaban waxay u arkaan ruux heeryadii Ayaan-darrada la huwiyey, ku hoos jirta gumaysiga laboodka, tacaddigeedana la isla ogol yahay. Kolkaa waxay isku arkaan in xil ka saaran yahay sidii looga xorayn lahaa raggoodan Gumaysanaya, xag maskaxeed, xag maaliyadeed iyo xag Aqooneedba.

Labadan kooxood waxa hoos yaacaya, kooxo kale oo kolba kuwa ay ka arkaan dantooda siyaasiga ah, soo xoojinaya, balse iyagu aan sidooda waxba u aaminsanayne iska danley ah.

Labadan kooxood ba waa halis, midkee se sii halis badan baad is leedahay?

QALINKII; ABWAAN XASAN DAAHIR ISMAACIIL “WEEDHSAME”

 

 

Exit mobile version