WAJAALE NEWS

Madaxwaynaha DDSI Oo Tababar Usoo Xidhay Ciidamo Tiro Badan!

“Waxaa Hubaal Ah In Deegaankeenna Jiritaankiisu Uu Ku Xidhan Yahay Xoog Ciidan Oo Ka Dhisan Dhinac Walba” Madaxweyne Mustafe Cagjar.

JIG JIGA(W,N)-Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar “Mustafe Cagjar” ayaa tababar usoo xidhay kumanaan ciiddamo maleeshiyo ah oo ka kooban dhammaan gobollada, maamul-magaalooyinka iyo degmooyinka Deegaanka.

Madaxwayne Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in dawladdiisa  ay ka go’an tahay kor-u-qaadidda nolosha ciidanka maleeshiyada, islamarkaasina hadda la kordhiyey mushahaarka ciidanka.

“Waxaa hubaal ah in deegaankeenna jiritaankiisu uu ku xidhan yahay xoog ciidan oo ka dhisan dhinac walba” ayuu yidhi Madaxweyne Mustafe Muxummed Cumar.

Sidoo kale Madaxweynaha DDSI ayaa sheegay in ay jiraan isku-dayo ay wadaan kooxda TPLF oo kaashanaya xubno ku sugan Deegaanka, kuwaasi oo uu sheegay in ay abuurayaan isku-dhacyo qabaa’il, dib-u-deegaamayn hor leh iyo arrimo kale oo lagu khal-khaliyo shacabka, balse ciidankani looga baahan yahay ka-hortagga ficillada ka dhanka ah xasilloonida.

18 March 2021-kii  ayey ahayd markii ugu horreysay saraakiisha ciidammada maleeshiyaddu ay la kulmeen madaxweynaha Deegaanka, iyagoo usoo bandhigay tabashooyinkooda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidanka maleeshiyada ay xukuumaddu ahmiyad gaar ah siin doonto; waana markii 1aad oo ciidan maleeshiyaad ah la siiyo tababar ciidannimo.

Exit mobile version