HARGAYSA(W,N)-Dawlada ingiriiska ayaa soo dhawaysay xubnaha cusub ee loo doortay golaha wakiilada Somaliland maalintii shalay iyadoo balan qaaday in ay la shaqayn doonta golaha wakiilada Somaliland.
Wakiilka dawlada ingiriiska ufadhiya caasimada Somaliland Amb Brown oo kamid ahaa diblamaasiyiintii lagu marti qaaday doorashadii shir gudoonka cusub ee golaha wakiilada jsl ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay twiterka ku sheegay in ay dawlada ingiriisku diyaar utahay la shaqaynta shir gudoonka cusub ee golaha wakiilada iyo guud ahaan xildhibaanada golaha.
Sidoo kale wakiilka dalka uk ufadhiya caasimada hargaysa ayaa Somaliland ku amaanay doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka qabsoontay 31may 2021.
HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;