WAJAALE NEWS

DAAWO;-Siyaasi Maxamed Cabdi Oo Madaxwayne Biixi Ugu Baaqay In Uu Dib U Eegis Ku Sameeyo Hogaanka Xisbiga Kulmiye Iyo Isbahaysigiisii!

HARGAYSA(W,N)-Siyaasi Maxamed Cabdi Aw Maxamed (Maxamed Faa Faale) Oo kamid ah aqoonyahan reer Somaliland Ee ku dhaqan dalka ingiriiska gaar ahaan magaalada Bristol ayaa ka hadlay doorashooyinkii dalka ka dhacay iyo Waxyaabaha sobobay in xisbi xaakimkii kulmiye lagaga guulaysto badi kuraasida deegaanka iyo baarlamaanka dalka.

Sidoo Kale siyaasi maxamed oo kamid ah masuuliyiinta xisbiga kulmiye ee magaalada Bristol ayaa farta ku fiiqay waxyaabaha keenay in kulmiye laga guulaysto isagoo madaxwaynaha Somaliland ugu baaqay in uu dib u eego dhismaha xisbiga islamarkaana uu dib iskugu soo celiyo isbahaysigii kulmiye iyo siyaasiyiintiisa oo uu sheegay in ay iyagu doorashada tarajayga iskugu jiren balse aanay cidkale ka badi

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version