WAJAALE NEWS

TPLF Oo Shuruudo Adag Ku Xidhay Xabad Joojinta Ay Ku Dhawaaqday Dowladda Itoobiya

Mekelle(W,N)- Hoggaanka fallaagada ee gobolka Tigreega ee Itoobiya ayaa dalbaday in si buuxda looga saaro ciidamada Eritrea iyo dagaalyahanada gobolka dariska la ah Itoobiya ee Amxaarada ka hor inta ayna wadahadal la galin dowlada federaalka oo ku saabsan xabad joojinta.

Kooxda TPLF ayaa ku soo laabatay caasimada gobolka, Mekelle, maalintii Isniinta iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada kadib markii ay dowlada Itoobiya ku dhawaaqday xabad joojin dhankeeda ah.

Hase yeeshee afhayeenka TPLF Getachew Reda oo uu ku tilmaamay xabad joojintaas mid kaftan ah.

Bayaanka ay soo saartay TPLF ayaa lagu sheegay inay mabda ’ahaan aqbali doonto xabad joojinta hadii ay jiraan dammaanad qaad xooggan oo ah in aan duullaan dambe lagu soo qaadi doonin.

“Xoogaga kusoo duulay ee Amxaarada iyo Eriteriya waa inay ka baxaan Tigreega kuna laabtaan dhulalkoodii kahor dagaalka,” ayaa lagu yidhi bayaanka.

Maamulka fallaagada ayaa sidoo kale codsanaya inay qaadaan mas’uuliyada wixii ka dhacay gobolka Tigrey ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, iyo sidoo kale in ay abuurto Qaramada Midoobay hay’ad madax banaan oo baarta dambiyada la galay intii uu socday dagaaladii gobolka Tigray.

Shuruudaha ay TPLF ku xidheen xabad joojinta ayaa waxaa ka mid ah in gargaar deg-deg ah la soo gaadhsiiyo dadka gobolka isla markaan si ammaan ah ay dadkii ka barakacay guryahooda dib ugu soo laabtaan.

Illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dowlada Itoobiya ee la xidhiidha shuruuradaha ay soo bandhigeen jabhada ka dagaalanta gobolka Tigray.

Exit mobile version