Bishan Juun 20da, 2002da goor ay saacaddu ku dhaweyd 8.00 fiidnimo aniga oo baabuurka wata oo dhegaysanayay Radio Hargeysa ayaan maqlay iyada oo la tacsiyadaynayo qoyskii iyo eheladii Sheekh Cabdi Oomaar oo loo yaqaannay Aw Geesh. Naxariistii Janno Alla ha siiyo e’, 19kii bishan Juun ayuu ku dhintay Hargeysa, waxaana la aasay 20kii Juun. Geeridu waa xaq oo qofna huri maayo, waa se wax dabiiciya in ay naxdini ku saaqdo marka aad maqasho qof aad garanayso oo dhintay. Show waa waxa Soomaalidu ugu maahmaahdo: “Geeridu geel-jire iyo qof aanad garanayn ayay ku fiican tahay.” Hadda geel-jiraha iyo qofka aan la aqoonba cid baa taqaan.
Markiiba waxa I hor yimid shakhsiyaddiisii iyo halkii isugu kaayo horreysay. Cajaladdii xusuusta ayaa dib isu duubtay oo il-bidhiqsiyo ka dibba waxaan joogay Xaruntii Ururka SNM ee Almis (Balli-gubadle). Waa halkii aan markii iigu horreysay ku arkay kuna bartay Sheekh Cabdi Oomaar oo loo yaqaannay Aw Geesh. In kasta oo halgankii hubeysnaa ee SNM horseedka ka ahayd dad badani siyaabo badan uga qayb galeen, haddana Aw Geesh wuxu ka mid ahaa dadka faro-ku-tiriska ah ee siyaabaha gaarka ah ee aan cidi la wadaagin uga qayb qaatay. Ka dib markii uu tamar iyo tabo badan u adeegsaday halgankii hubeysnaa, Aw Geesh codkiisiina waa uu adeegsaday. Maalmahaa aanu Radio SNM joognay hadba keyn ayaanu u wareegi jirnay. Tiraba saddex xarumood ayaanu ku lahayn.
Waxa kale oo maalmahaa xusuus gaar ah lahayd Safiya Cali Yuusuf oo lahayd codka dheddig ee keliya ee Radio SNM ka bixi jiray. Galab walba Balli-gubadle ayay ka soo lugayn jirtay, fiidkiina intaanu cid ku darno ayaanu hoyn jirnay. Ilaahay ha ka abaal-mariyo e’.
Bishii Oktoobar 1982kii ayay bah-wadaagtii halgankii hubeysnaa ee Soomaaliyeed ee SSDF iyo SNM heshiis-warfaafineed ku kala saxeexdeen magaalada Addis-ababa. Heshiiskaasi waxa uu dhigayay in ay labada urur iska kaashadaan hawlaha ballaadhan ee warfaafineed oo ay markaa bud-dhig u ahayd idaacaddu. Intii aanu heshiiskaasi dhicin idaacaddaa waxa la odhan jiray “Radio Kulmis”, bal se markii ay heshiiskaa qalinka ku dugeen labadii hoggaan ee ururradii SSDF iyo SNM, waxa idaacaddii loogu wanqalay “Radio Halgan”.
Radio Halgan oo ay hawl-wadaag ku ahaayeen SNM iyo SSDF waxa uu hawada ka baxay 6/4/1988kii (sannad-guuradii 8aad ee aasaaskii SNM), markaas oo ay Soomaaliya iyo Itoobiya ka la saxeexdeen heshiis dhinacyo badan lahaa. Qaybtii ugu horreysay ee heshiiskaa laga fuliyay waxa ay ahayd tii borobogaandada oo Radio Halgan hawada kaga baxay. Radio Halgan waxa lagu yaqaannay oo ay dad badani ku xusuustaan Quraankii uu ka akhriyi jiray Macallin Cabdillaahi.
SNM iyada oo qiimaynaysay kaalinta ay warfaafintu kaga jirtay halgankii hubeysnaa waxa ay dedaal xoog leh u gashay sidii loo hawlgelin lahaa cod laga baahiyo halganka iyo hawlaha la xidhiidha. 5tii bishii Meey 1989kii oo SNM ugu suntanayd maalinta warfaafinta ayaa markii ugu horreysay xadhigga laga jaray Radio SNM oo ka hawlgeli jiray meel aan ka fogayn Xaruntii SNM ee Almis. Aw Geesh waxa uu ka mid ahaa halgamayaashii siyaabaha doorka ah uga qayb qaatay halgankii hubeysnaa.
Waxa uu nagu soo booqday saldhiggii Radio SNM isaga oo naga codsaday in laga duubo Quraan si’ idaacadda loogu furo. Laga bilaabo markaa ugu horreysay ee uu noo yimid ilaa intii uu halgankii hubeysnaa socday, Aw Geesh si joogto ah ayuu noogu soo booqan jiray saldhiggii Radio SNM, isaga oo mar walba suurado hor leh noo duubi jiray. Intaa kuma ekeyne, Aw Geesh dhaqan ayuu ka dhigtayoo Radio Hargeysana si’ joogto ah ayuu Quraanka ugu duubi jiray.
Hawsha uu keli ku ahaa ee aanay cidina la wadaagin taas ayay ahayd. Intaas oo keliya ma aha e’, Aw Geesh waxa aan cidina ku labayn karayn codkii la yaabka lahaa ee uu ku akhriyi jiray Quraanka. Aw Geesh, naxariistii Janno Alla ha siiyo e’, hawlihiisu intaa kuma koobnayne, waxa uu ka mid ahaa odayaashii sama-taliska ahaa ee hawlaha doorka ah ku taakuleyn jiray halgankii hubeysnaa sida: nabadaynta, ururinta taakuleynta iyo ciidanka, dhiirri-gelinta iyo wacyi-gelinta ciidanka iyo qaar kale oo badan.
Sheekh Cabdi Oomaar oo loo yaqaannay Aw Geesh, waxa uu ahaa nin meel dhexaad ah. Waxa uu caado u lahaa in uu qaato macawis iyo shaadh inta badan koodh u dheeraa. Cumaamadda ma dhigi jirin koofiyadna waa uu qaadan jiray. Aw Geesh waxa uu ahaa nin dad-la-socod leh oo da’ walba la jaan-qaada. In kasta oo aanu da’ weyneyn, haddana da’da iyo diintu dhallinyarada kama sooci jirin. Kaftan miidhan buu ahaa. Aw Geesh waxa uu lahaan jiray gadh-sucuudi madow u badan oo cirro yari badhaxday. Labada fool mid ayuu la’aa. Had iyo jeer tusbax ayaa qoorta u sudhnaan jiray. Waxa uu ahaa nin aan qaloon ee da’ walba halkeeda kala qaada oo awood u lahaa in uu gudbiyo waxa uu dooniyo, oo weliba u gudbin jiray si’ farshaxannimo leh oo qosol iyo kaftanba uu ku marriimay.
In kasta oo aanan mefrish-wadaag la noqon, haddana waxa dhaqankiisii hufnaa ka mid ahaa in aanu ku dhaafin isaga oo aan erey iyo laba waxa maalintaa taagan la xidhiidha ku odhan haddii aad iska hor timaaddaan. Mararka qaarkood waxaabu hollan jiray in uu kaaga soo dego baska uu la socdo si’ uu erey iyo laba murtiyi ku dheehan tahay kuugu tuuro. Markaa uu kula hadlayo inta badan qosol ayuu ku ladhi jiray isaga oo koofiyadda kolna dib u celinaya kolna hore u soo yar dhigaya. Kaftan badnaantiisii, mararka uu qosolka ku yar raago waxa aad arkaysay labada xidid ee margiyada oo kacay. Aw Geesh waxa uu ahaa dadka aqoonta iyo garashada xurmeeya. Tusaale haddii aan soo qaato, marka uu kula kulmo ee damco in uu wax ku yidhaa hadalka waa uu sari jiray. Waxa uu ku talo-geli jiray in aad adigu buuxsato oo qofka garashada kama wada qaadi jirin oo sheeko dheer uma marin jirin. Qofba sida uu u yaqaan ayuu ugu dhigi jiray. Waxa uu ahaa nin dadka aad ugu xidhnaa oo aan inta badan qayb ku koobnayn.
Bishii Jeeniweri 15dii-17dii 2000, waxa uu ka mid ahaa dad nagala qayb galay Aqoon-is-weydaarsi lagu qabtay golaha madadaalada ee Wasaaradda Warfaafinta oo ku saabsanaa kaalinta ay war-baahintu kaga jirto dibudhiska dalka. Ka sokow in uu codkiisii la yaabka lahaa noogu furi jiray shirarka, waxa aan aad u xusuustaa dhiirranaantii la yaabka lahayd ee uu ku daafacayay Xorriyatul-qawlka isla markaana uu ku dedafaynayay Guddiyada Nabadgelyada oo mararka qaarkood loo adeegsan jiray war-fidiyeennada.
Waxa aan xusuustaa Oktoobar badhtamaheedii 1997kii isaga oo galab noogu yimid Xarunta Jamhuuriya oo aan beryahaa ka shaqayn jiray. Markaa uu noo soo galay waxa aanu haynay sheeko ku saabsanayd Xuskii Maalinta Shuhadada oo ku beegneyd 17kii Oktoobar. Codsi-miisaaniyadeed oo aanu dawladda u qorannay si’ uu SOOYAAL maalintaa u xuso ayaa jawaab qoraal ah nalooga keenay, qoraalkaas oo odhanayay shuhadada ha looga duceeyo Masaajiddada. Aw Geesh markii aanu u sheegnay xaddigii lacageed ee SOOYAAL xuska maalintaa u codsaday ayuu si’ qurux badan u yidhi: “Masaajiddada Hargeysa boqol waa ay ka badan yihiin oo miisaaniyadda aad codsateen si’ shuhadadii loogu duceeyo culimadaba ma deeqdeen.” Waan xusuustaayo Dhan-xiirkii subaxdii danbe sheekadaa Aw Geesh ayuu ku baxay. Markii danbe xukuumadda ayaa SOOYAAL u yeedhay dood aan waqti badan qaadan ka dibna miisaaniyaddii waa loo oggolaaday sidiina Xuskii Shuhadadu waa uu ku dhacay.
Sheekh Cabdi Oomaar oo Aw Geesh ku magac-dheeraa, waxa uu ku dhashay meesha Sabbayse la yidhaa oo ku taal Kililka Shanaad. Waxa uu ahaa ilaa 65 jir. Sida uu dhaqanku yahay halkaa ayuu ka bilaabay malcaamad Quraanka isaga oo markii danbe na noqday caalim diinta ku xeel-dheer. Beryihii danbe ee uu weynaaday waxa uu ka tirsanaan jiray Xertii Sheekh Faarax. 1964kii, dagaalkii Itoobiya iyo Soomaaliya ayuu u soo wareegay dalka isaga oo ka tirsanaa Jabhadihii Gobannimo-doonka ee xilligaa. Waa halka uu ku la baxay naanaysta uu ku caan-baxay ee Aw Geesh. Waqtiyadan danbe intii aanu dhiman waxa uu deggenaa magaaladan Hargeysa isaga oo Imaam ka ahaa Masaajidka loo yaqaan “Boqol-jirka”.
Aniga oo si’ gole-ka-fuul ah taariikh-nololeedka Aw Geesh u galay oo aan waqti badan siin, waxa aan hubaa in lagu xusuusan doono in uu ahaa cod iyo caalim halgankii ku ladhnaa. Si’ gaar ah ayuu noo taabanayaa bahdayadii warfaafinta ee SNM, shakina kuma jiro in uu kaalin muuqata ka soo galay dibudhiskii Somaliland oo uu odayayn iyo diinba u adeegsaday. Waxa aanu shaki ku jirin in Bahda warbaahinta ee Somaliland, gaar ahaanna Radio Hargeysa iyo wargeysyadu ay tebi doonaan maqnaanshaha Aw Geesh. Ilaahay naxariistii Janno ha siiyo, innaga iyo intii uu ka tegayna samir iyo iimaan ha inaga siiyo. Aammiin.
QALINKII; QORAA CABDIRAXMAAN YUUSUF DUCAALE (BOOBE)