WAJAALE NEWS

DAAWO;-Maamulka Gobolka Awdal Iyo Gudoomiyaha Jaamacada Camuud Oo Ka Hadlay Dilka Arday Katirsanaa Jaamacada Oo Askari Ciidanka Booliska Ahi Toogtay.

BOORAMA(W,N)-Badhasaabka Gobolka Awdal, Gudoomiyaha Jaamacada Prof Saleebaan Cabdi Guuleed Iyo qaarkamid ah Madaxdhaqameedka Gobolka Awdal ayaa ka hadlay dil ka Dhacay Jaamacada Camuud kadib markii Arday Katirsanaa Jaamacada Camuud uu galabta askari katirsan ciidanka booliska ee ilaalada jaamacadu toogtay kaasi oo geeriyooday.

Ugu horay maamulka gobolka awdal, gudoomiyaha jaamacada Camuud iyo madaxdhaqameedka gobolka awdal ayaa tacsi tiiraanyo leh  udiray qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay ardaygani iyo guud ahaan ardayda jaamacada camuud iyo bulshada reer boorama.

Sidoo kale xubnahan Ka hadlay geerida ardayga katirsanaa jaamacada camuud ayaa faah faahin ka bixiyay sidii dilku udhacay iyagoo sheegay in askarigii ay xabadku kaga dhacday arday uu xidhan yahay isamarkaana ay  laamaha amaanku Gacanta ku hayaan badhitaanka sida uu udhacday dilku oo ka dhacay jaamacada macuud.

Ardayga katirsanaa ardayda jaamacada camuud ee geeriyooday ayaa alle ha,unaxariistee lagu magacaabi jiray Marxuum Ibraahim Cabdishakuur Ibraahim,

Dhanka maamulka gobolka Awdal iyo gudoomiyaha jaamacada camuud ayaa sheegay in ardayga geeriyooday iyo askariga ay xabadku kaga dhacay ay deegaanka ahaan kasoo wada jeedaan bariga gobolka sanaag.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version