WAJAALE NEWS

Prof Ibraahim Meecaad Oo Dar Daaran Culus Ujeediyay Maayar Maxamed Amiin Oo Markale Loo Doortay Magaalada Gabiley!

CANADA(W,N)-Prof Ibraahim Maxamed Meecaad oo kamid ah Aqoonyahanka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka Canada Kana mid ahaa saraakiishii hormuudka ka ahaa halgankii dib Uxoraynta jamhuuriyada somaliland Ee SNM Ayaa bogaadiyay  Golaha Cusub Ee deegaanka degmada gabiley Oo markale Maayarka Magaalada Gabiley Udoortay Maxamed Amiin Cumar Cabdi iyo sida ay isku hambalyeeyeen xubnihii kula tartamay Maayarnimada.

Sidoo kale Prof Ibraahim Meecaad ayaa fariin dardaarana diray maayarka magaalada gabiley oo uu ugu baaqay in uu utago cidkasta oo ay isku khilaafeen hirdankii maayarnimo iyo ololihii doorashada

Dhanka kale Prof Ibraahim Maxamed Meecaad ayaa maayarka Gabiley ugu baaqay in hoos u eego cabashada nin mujaahid ah Oo warbaahinta ka sheegay tacadi uu kula kacay xoghayaha Dawlada hoose ee gabiley oo Uu sheegay inta la xidhay in gurigiisii laga dumiyay oo la galiyay cagaf in uu hoos u eego cabashadiisa islamarkaana uu u tago,

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

 

Exit mobile version