WAJAALE NEWS

Dowlada Itoobiya Oo Hay’adaha Gargaarka Ku Eedeysay Iney Hub Geliyaan Gobolka Tigrey

HARGAYSA(W,N)-Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Demeke Mekonnen ayaa ku eedeeyay qaar kamid ah hay’adaha ka howlgala gobolka Tigraay inay isku dayayaan inay hub si sharci darro ah ku geliyaan gobolkaas.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka walaacsan tahay olole ka dhan ah sida ay ula tacaaleyso xaaladda gobolka Tigraay.

Demeke ayaa ugu baaqay shakhsiyaadka iyo saaxibada beesha caalamka inay faraha kala baxaan arrimaha gudaha Itoobiya.

“Waa wax aad looga walaaco in qaar kamid ah xubnaha beesha caalamka ay bilaabeen olole ay ku wiiqayaan midnimada, madaxbanaanida iyo isku duubnimada iyagoo ku marmarsiinyo ka dhiganayo inay wadaan gargaar banii’aadanimo”

 

Exit mobile version