WAJAALE NEWS

Musharaxa Golaha Wakiilada Eng Siciid Maxamed “Ina Xanfadhe” Oo fariin Muhiim Ah Udiray Bulshada Gobolka Maroodi Jeex”

“Muwaadin Maalinta Codbixinta  Doorashada Ee 31may “Codkaaga Ugu Hiil, Musharax Eng Siciid Si Uu Isna Qaranka Ugu Hiiliyo”

HARGAYSA(W,N)-Musharax Eng. Siciid Maxamed Aw Cismaan (Ina Xanfadhe) Oo kamid ah Musharixiinta Golaha Wakiilada Ee Gobolka Maroodji Jeex Kana Sharaxan Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ee  UCID  Astaantiisuna Tahay Dacawo Ayaa  Taageerayaasha guud ahaan ku dhaqan gobolka maroodi jeex uga mahad celiyay taageeradii ay la barbar istaageen mudadi Lagu Jiray Ololaha Doorashada Isagoo ugu baaqay in ay Maalinta 31may ee loo asteeyay in ay dalka ka dhacdo codbixintu In ay Codkooda Ugu hiiliyaan ismarkaana ay safafka Si Nabadgalyo ah ku galaan kuna hubsadaan codkooda Astaantiisa oo ah Dacawo. Iyagoo ka hadlaya wuxu yidhi” “shacabka ku dhaqan gobolka maroodi jeex waxaan ka codsanayaa in ay codkooda iigu hiiliyaan anigoo utaagan Daryeelka Shacabka, dhamaystirka Xeerarka Dalka Iyo ilaalinta Sharciga, muwaadin codkaagu waa muhiim guushaadu waa Guusheena”.

Musharax Eng. SICIID MAXAMED AW CISMAAN (INA XANFADHE) wuxuu ka mid yahay ragga u taagan inuu u garab joogsado ka qaybqadashada qarandhiska jamhuuriyada Somaliland isagoo kamid ah waa Xildhibaannada Loogu Rejo Badan Yahay in ay hantaan mid ka ka mid ah 20 kursi ee gobolka Maroodijeex.

Sidoo kale Musharax Eng Siciid  ka tartamaya xisbiga UCID ee astaantiisu tahay dacawada ayaa si weyn looga taageersan Caasimada Hargeysa dhexdeeda,Waqooyiga Hargeysa ilaa Xeeb, Oogada deegaano badan oo hoos yimaad, Bariga ilaa Dacar budhuq iyo Koonfurta ilaa magaalo xuduudeedka Wajaale. Musharax Eng. siciid Maxamed Aw Cismaan waa aqoonyahan maalgashaday wadankiisa, waa nin tudhaale iyo naxariis badan – taas oo keentay in ay dad badan ay garab joogsadaan.

Dhanka kale Musharax Eng Siciid Ayaa  ololihiisu Si xooggan uga  dhex muuqday fagaarayaasha xisbiga Ucid kusoo bandhigay taageerayaashiisa

Muwaadin Maalinta Codbixinta  doorashada ee 31may “CODKAAGA UGU HIIL, Si Uu Isna QARANKA UGU HIILIYO” Astaantiisu waa DACAWO EE calaamadi Oo Codkaaga ku hubso”.

 

Exit mobile version