WAJAALE NEWS

Xisbiga Wadani Oo Xukuumada Madaxwayne Biixi Ku Eedeeyay In Ay Dalkii Ka Dhigtay Maamul Goboleed La Kala Safan Madaxda Maamulka Muqdisho.

“Wasiir Cabdilaahi Abokor Waxaa Ka Muuqata Ciil Qabonimo Iyo In Uu xisbiga Wadani Ka Dhex Arkayo Xirsi Cali Xaaji Xasan”Afhayeen Barkhad Batuun,

HARGAYSA(W,N)-Afhayeenka xisbiga Wadani Musharax Barkhad Jaamac Batuun ayaa jawaab kulul kabixiyay hadalo uu wasiirka gaadiidka Cabdilaahi Abokor ku dhaliilay xisbiyada mucaaridka isagoo wasiir cabdilaahi ku eedeeyay in uu yahay masuul ciil iyo hibasho ka buuxdo islamarkaana shaqadii loo magacaabay uu kaga mashquulay ciil-qabonimo iyo in uu xisbiga wadani ka dhex arkayo xirsi cali xaaji xasan oo ay isku ahaayeen xisbiga kulmiye iyo wasiiradii xukuumadii siilaanyo

Sidoo kale afhayeenka xisbiga wadani ayaa dhaliilay shaqada wasaarada arimaha dibada oo uu sheegay in ay ku fashilantay shaqadii ay qaranka uhaysay.

Dhanka kale afhayeenka xisbiga wadani ayaa xukuumada madaxwayne biixi ku eedeeyay in ay u mashquushay la kala safashada xukuumada somaliya iyo kooxaha isku haysta talada maamulka somaliya oo aanay somaliland  waxba uga oolin balse ay dalkii ka dhigtay maamul goboleed.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

Exit mobile version