WAJAALE NEWS

Masar Iyo Jabuuti Oo Ka Wada-Hadlay Muranka Biyo-xidheenka GERD Iyo Deganaanshaha Geeska Africa

Jabuuti(W,N)-Madaxweynaha Masar, Cabdifatax El-sisi waxaa xalay Khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay dhigiisa Jabuuti, Ismaaciil Omar Geelle, iyagoo ka wada hadlay Xidhiidhka labadooda dal, Xal-u-helida Muranka Biyo-xidheenka Ethiopia ee GERD, Deganaanshaha iyo Ammaanka Mandiqada Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Madaxweyne El-sisi waxa uu Madaxweyne Geelle ugu hambalyeeyey Dib-u-doorashdisa, wuxuuna u rajeeyey inuu ku guuleysto Horumarada ay hiigsanayaan dadka Reer Jabuuti.

Hadal-qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Masar ayaa lagu sheegay inay Labada Madaxweyne isku waafaqeen baahida loo qabo xal-u-helista Khilaaafka Biyo-Xidheenka Ethiopia ee GERD, si looga baaqsado saamaynta xun ama taban (Negative Impact) ee wax u dhimaya Ammaanka Gobalka iyo Deganaanshaha.

Madaxweynaha Masar waxa uu tilmaamay inay Masar ka go’an tahay baahida loo qabo in Heshiis dhammaystiran oo sharciyeysan laga gaadho Buuxinta iyo Hawlgalka ee Biyo-xidheenka weyn ee Ethiopia (GERD).

Wareegyadii Wada-xajoodyadka ee u dhexeeyey Masar, Sudan iyo Ethiopia ee ku aadan Biyo-xidheenka GERD ayaa lagu guul-daraystay, iyadoo Dowladaha Masar iyo Sudan ku eedeeyaan Dowladda Ethiopia fashilka Kulamadaasi.

Ethiopia waxay kaloo sheegtay inay buuxinta Biyaha ee Biyo-xidheenka dhamaystiri doonaan bisha July haddii Heshiis la gaadho iyo haddii kaleba

Exit mobile version